Imaarada Islaamiga ah oo dhulka soo dhigtay diyaarad ay leedahay dowladda Maraykanka.
Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga ah ay ku guuleysteen iney dhulka soo dhigaan diyaarad nooca basaaska ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka.
Barta Internetka ee majallada Al-Sumuud ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay beegsadeen diyaaradan oo dul heehaabeysay mandiqad ay ku suganyihiin Ciidamada Mujaahidiinta oo ku taalla degmada Batii-koot ee gobolka Nanjahaar.
Diyaaradda oo waday howlo basaasnimo ah ayaa shantii saac iyo qadar daqiiqada ah waqtiga dalka Afqaanistaan waxaa beegsaday ciidamada difaaca cirka ee Mujaahidiinta, waxaana ay ku guuleysteen iney dhulka soo dhigaan.
Mas’uuliyiinta Mujaahidinta ee gobolka Nanjhaar ayaa u xaqiijiyay warbaahinta iney gacanta ku hayaan burburka diyaaradda.
Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad usii kordhayay diyaaradaha noocyada kala duwan ee dowladda Maraykanka looga soo ridayo gobollada kala duwan ee dalka Afqaanistaan.