Isbaheysiga Reer galbeedka oo duqeyn ku dilay Tobanaan Dagaalyahan oo katirsan Jabhadda Fatxu-Shaam.
Diyaarad nooca duuliye la’aanta ah oo ay leeyihiin Isbaheysiga Reer galbeedka ee duqeymaha kawada dalalka Shaam iyo Ciraaq ayaa duqeyn xoogan ka geystay goob ay ku sugnaayeen dagaalyhanno Mujaahidiin ah oo katirsan Jabhadda Fatxu-Shaam.
Duqeynta oo ahayd mid kedis ah islamarkaana aad u xoogneyd ayaa beegsatay dhisme ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Mujaahidiinta Jabhadda oo ku yaala meel u dhow magaalada Sarmadaa ee dhacda baadiyaha magaalada Idlib.
Duqeynta ayaa sababtay Istish-haadka 20 Mujaahid oo ku sugnaa guriga ay diyaaraddu beegsatay.
War kooban oo lagu soo qoray barta Jabhaddu ay ku leedahay Aaladda Telegramka ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta dhacday, waxaana Mujaahidiintu sheegeen in duqeyntaas ay ka dambeyaan diyaaradaha Taxaalufka Reer galbeedka.