Jabhadda Fatxu-Shaam oo war kasoo saartay duqeyn dowladda Maraykanku ka fulisay dalka Suuriya.
Bayaan ku qoran luuqadda Carabiga oo kasoo baxay Jabhadda Fatxu-Shaam ayaa looga hadlay duqeyn dhawaan dowladda Maraykanka ay ka fulisay Mucaskar ay leeyihiin Mujaahidiinta oo ku yaala baadiyaha galbeed ee gobolka Xalab.
Maalintii daraad oo khamiis ahayd kuna beegneyd 21 Rabiicu-Thaani ayaa diyaarad ay leedahay dowladda Maraykanka waxay duqeysay Mucaskarka oo ahaa mid lagu tababaro dhalinyarada cusub ee kusoo biireysa Mujaahidiinta.
Jabhadda ayaa sheegtay in dowrka dowladda Maraykanka ay ka cayaareyso kacdoonka Suuriya uu muujinayo iney la safantahay Nidaamka Asad, ayna kasooo horjeedo shacabka Shaam iyo Mujaahidiintooda.
Mujaahidiintu waxay ka tacziyeeyeen istish-haadka Mujaahidinitooda, waxaana ay sheegeen in duqeymihii mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay Shaam ay keeneen istish-haadka hogaamiyaal, dumar iyo Caruur muslimiin ah intuba.
Jabhaddu waxay weerar afka ah ku qaaday shirka Astaana ee ay ka qeyb galayaan qaar kamid ah kooxaha Mucaaradka Suuriya, waxaana ay ku tilmaamtay inuu yahay mid ay gar wadeyn ka tahay dowladda Ruushka islamarkaana uusan xaqiijin karin masaalixda reer Shaam.