Jubooyinka waxaa ka hirgalay Amarkii lagu mamnuucay ka ganacsiga Ugaarta.(Sawiro)

Maamulka islaamiga ah ee jubooyinka ayaa horay ugu dhawaaqay inay mamnuuc tahay ka ganacsiga iyo ugaarsiga xayawaanaatka duur joogta ah.

Amarkaasi ayaa haatan umuuqda inuu ka dhaqan galay gobalada Jubooyinka oo inta badan shabaabku maamulaan.

Haatan waxay wilaayadu xanaaneysaa libaaxyo yar yar oo laga dhigay dad doonayay in si sharci daro ah kaga ganacsadaan.

Dhanka kale wilaayada waxaa laga dareemayaa horumar dhanka tacbashada beeraha ku hareereysan wabiga jubba inkastoo wabiga uu biyo yareeyay.

beeralayda ayaa  qalajiya liinta kadibna wey dhoofiyaan iyagoo lacag ka hela.

Wariyayaal katirsan idaacadda alfurqaan oo socdaal ku tagay Degmooyin Jilib ay kamid tahay ayaa soo qaaday sawiro muujinaya beeraha iyo libaaxyada ku jira gacanta wilaayada.

Hoos Ka Daawo Sawirada

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.