kudhowaad boqol Askari oo lagu dilay, iyo Jamaacada Al-Muraaabiduun oo sheegatay mas’uuliyadda.

Wararka naga soo gaaraya dalka Maali ayaa ku waramaya in weerar xoogan oo ahaa camaliyada Nafhurnimo ah lagu qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Maali iyo malleeshiyaad maxalli ah oo taageersan xukuumadda.

Xerada la weeraray ayaa ku taalla ayaa magaalada Gaaw ee dhacda wuqooyiga Maali, waxaana Naftii hure katirsan Mujaahidiinta oo kaxeynayay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku guuleystay inuu gudaha u galo xarunta, islamarkaana uu laayo kudhowaad boqol Askari.

War kasoo baxay Jamaacada Al-Muraabidhuun ee hoostagta faraca Alqaacida ee bilaadul Maqrib Al-Islaami ayaa lagu sheegay in Naftii hure lagu magacaabo Cabdul-haadi Al-Fulaani uu ahaa ruuxa fuliyay weerarka.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in weerarkaas ay ku dileen 80 Askari, oo katirsana ciidanka Maali iyo malleeshiyaadka taageersan, waxaana xerada la weeraray si guud gacanta ugu haya dowladda Faransiiska.

Jamaacada Al-Muraabidhuun waxay ku hanjabtay weeraro noocan oo kale ah oo ay la beegsan doonto cid waliba oo gacan siisa duulaanka Faransiisku kusoo qaaday dalka Maali.

Weerarku wuxuu dhacay waaberigii maalintii Arbacada, balse bayaanka sheegashada wuxuu soo baxay maanta oo khamiis ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.