Madaxweynihii hore ee Iiraan oo geeriyooday.

Sida ay baahisay wakaaladda Faaris ee ku hadasha afka maamulka shiiciga ah ee ka dhisan dalka Iiraan, waxaa geeriyooday madaxweynihii hore dalka Iiraan ninka lagu magacaabo Cali Akbar Haashimi RafsinJaani.

Wakaaladda ayaa sheegtay in Rafisjaani ay lasoo darseen xanuuno dhanka wadna ah, islamarkaana gelinkii dambe ee shalay loola cararay xarumaha Caafimaadka si loo dabiibo balse uu geeriyooday.

Cali Akbar Haashimi Rafisjaani oo 82 jir ah ayaa jagooyin kala duwan waxa uu kasoo qabtay dowladda Iiraan, intii u dhexeysay sanadihii 1989 iyo 1997 ayuu soo ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda shiiciga ah ee Iiraan, wuxuuna sidoo kale soo qabtay jagooyin ay kamid yihiin Taliyaha ciidamada Iiraan, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo jagooyin intaas kabadan, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid ahaa dadka ka ag dhow Khumeyniga Iiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.