Masjid ku yaala dalka Maraykanka oo la gubay.

Maraykanka waxaa kusoo badanaya tallaabooyinka Islaam nacaybka ah oo ay qaadayaan dadka Cunsuriyiinta ah ee ku nool dalkaas, kadib markii falalkaas ay u heleen sharci wixii ka dambeeyay markii talada Maraykanka uu la wareegay Donald Trump.

Dhacdadii ugu dambeysay ee muujineysa cadaawada loo qabo Muslimiinta waxay ahayd in masjid ku yaala dalka Maraykanka dab lagu daaray, taas oo keentay in inta badan Masjidka oo baaba’o.

Masaajidkan la gubay ayaa ku yaala degmada Fektooriya ee gobolka Texas, waxaana illaa iyo hadda la haynin dadkii ka dambeeyay falkan.

hay’ad ay ku mideysanyihiin Muslimiinta dalka Maraykanka ayaa sheegtay iney weli garaneynin cida ka dambeysa falkan, waxaana xilli dambe la damiyay dabka ka kacay masjidka.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeeyaan kooxaha Cunsuriga ah ee taageerada ka helaya Donald Trump, waxaana gubitaanka Masjidkan uu imaanaya xilli dhawaan go’aan uu soo saaray Trump uu ku diiday in dadka kasoo jeeda todobo dal oo ay Soomaaliya ku jirto usoo safraan dalka Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.