Nidaamka Suuriya oo xasuuq ka geystay mandiqadda Waadi-Bardi.
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ee muslimka ah ayaa sheegaya in diyaaradaha Nidaamka Suuriya ay duqeymo cadowtooyo ka geysteen mandiqadda Waadi-bardi oo ay ka socdaan dagaallo xoogan oo u dhexeeya kooxaha kacdoonka iyo malleeshiyaadka Shiicada noocyadooda kala duwan.
Sida ay sheegeen warbaahinta kooxaha Mucaaradka, duqeymahan oo ahaa kuwa xoogan islamarkaana si cashwaa’i ah loogu garaacay tuulooyinka Waadi-bardi ayaa si gaar ah waxay u beegstay tuulo lagu magacaabo Dayr-Qaanuun.
Goobta la duqeeyay waxay ahayd hool ballaaran oo ay ku sugnaayeen dad farabadan oo kasoo qaxay magaalada Waadi-bardi ee gobolka Dimishiq.
Tobanaan Ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymahan cadowtooyo.
Nidaamka Suuriya ayaa isku dayaya in xabad joojin uu la galo kooxaha ku sugan Waadi-bardi, islamarkaana uu si nabad geliyo ah kula wareego magaalada.