Qarax labaad oo laga maqlay Muqdisho, iyo Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyada.

Waxaa weli soconaya dagaal xooogan oo ka socoda hotel Dayax oo ku yaala wadada Makka Al-Mukarama, kaas oo ay weerareen Inqimaasiyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Goordhow waxaa la maqlay Qarax culus oo aad u ruxay dhimsyaasha ku yaala nawaaxiga hotelka, waxaana uu noqonayaa Qarixii labaad ee ka dhaca hotelka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan, waxaana la aaminsanyahay in hotelka ay ku suganyihiin Saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda  Federaalka.

You might also like
1 Comment
  1. sanka says

    Qaraxa dhacay wax yeello intee la eg ayuu gaystay?

Leave A Reply

Your email address will not be published.