Ruux hubeysan oo dalka Prazil ku dilay inkabadan Toban Ruux.

Xilli inta badan dalalka Yurubta iyo Reer galbeedka ay ka socdaan dabaal degyo ay dhiganayaan dadka Gaalada ah oo ku aadan sanadka cusub ee 2017 ayaa waxaa hadana dhanka kale jira xaalad amni oo aad u kacsan.

Habeenkii xalay ayaa guri ay ka socotay xaflad ku aadan sanadka cusub oo ku yaalla gobol katirsan dalka Prazil ayaa waxaa gudaha u galay ruux hubeysan, kaas oo rasaasa ooda kaga qaaday dadkii xafladda dhiganayay.

Ninka oo sida la sheegay u careysnaa xaas uu qabay oo kamid ahayd dadka xafladda ku sugnaa ayaan u meel dayin rasaasta uu ridayay, waxaana uu goobta dhigay dad badan oo noqday dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah dadka dhimashada ka badbaaday balse dhaawac uu soo gaaray ayaa booliiska ku war geliyay xaaladda heysta, waxaana kahor inta aanu booliiska imaanin goobta ka baxsaday ninka weerarka fuliyay.

Ugu yaraan 11 Ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas, waxaana dhaawacay 4 Ruux oo qaarkood xaaladoodu ay halis tahay, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaallada dalka Prazil.

Ruuxa weerarka fuliyay oo goobta ka cararay ayaa warbaahinta dalka Prazil waxay sheegayaan in goor dambe uu is dilay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.