Saacadihii lasoo dhaafay duqeymo xoogan oo ka dhacay dalka Suuriya.
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo culus ay ka dhaceen deegaanno kala duwan oo katirsan dalka Suuriya, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha Nidaamka, Ruushka iyo kuwa Isbaheysiga Reer galbeedka.
Duqeynta ugu khasaaraha badan waxay ka dhacday tuulo hoostimaada magaalada Dayruzuur oo bariga dalka Suuriya, waxaana ku dhintay tobonaan ruux oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa suuq ay diyaaradu duqeysa.
Tuullada ay duqeyntu ka dhacday waxaa lagu magacaabaa Khashaam, waxaana loo badinayaa in duqeyntan ay fuliyeen diyaaradaha Taxaalufka Reer galbeedka.
21 Ruux ayaa lasoo warinayaa iney ku dhintaan duqeyntan, halka dhaawacyo farabadan ay jiraan.
Magaalada Waadi Bardi ee dhacda duleedka Dimishiq ayaa waxaa iyana laga soo sheegayaa in dagaallo ay ka jiraan, waxaana ururka shiiciga ah ee Xisbullaata iyo malleeshiyaadka Nidaamku isku dayayaan iney gudaha u galaan magaalada inkastoo ay u suura gali la’dahay.
Malleeshiyaadka Shiicada ayaa saddex Ruux oo Muslimiin ah waxay ku dileen magaalada Waadi bardi kadib markii ay shiisheen, waxaana kooxaha wax iska caabinta ay beeniyeen warar warbaahinta qaar ay tabinayeen oo ah in xabad joojin ay wada gaareen Mucaaradka iyo Nidaamka.