Shan ruux oo lagu dilay Masaajid ku yaala Wadanka Kanada.
inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhintay rasaas dablay hubaysan ay ku fureen dad ku sugnaa Masaajid ku yaala magaalada Quebec ee dalka Kanada.
Dadka dhintay ayaa kamid ahaa 50 ruux oo ku cibaadeysanayay Masaajidka.
Booliska Kanada ayaa sheegay inay xireen 2 qof oo ay kaga shakiyeen inay ku lug leeyihiin weerarka lagu laayay Muslimiinta.
Warbaahinta Kanada ayaa qortay in sadax ruux ay fuliyeen weerarka lagu qaaday masaajidka.
Magaalada uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa kusoo badanaya falalka Muslimiin Nacaybka ah.
gawaari gurmadka degdega ayaa la arkayay iyagoo dhaawac ka qaadaya Masaajidka.
Dhawaan ayay ahayd markii dalka Maraykanka lagu gubay masaajid, halkaasi oo aysan cidina wax ku noqon.