The Standard”68 Askari Ayaa Kenya Looga dilay Weerarkii Kulbiyow”
Ugu yaraan 68 askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weerarkii jimcaha lagu qaaday xerada ciidamada Kenya sida laga soo xigtay ilo military oo katirsan Dowladda Kenya kuwaasi oo la hadlay wargayska the standar.
72 nin oo kale oo ku sugnaa Xerada kana tirsanaa Ciidamada ayaa ka badbaaday weerarka kadib Markii saraakiisha ay ku amartay in ay naftooda la baxsadaan.
Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ragga shabaabka katirsan ay si aad kaga badnaayeen ciidamada Kenya kuwaasi oo cagta mariyay saldhiga.
Wargayska The standard ayaa sheegay in maydad badan sabtida lagu arkay gudaha xerada iyo bannaankeeda.
Diyaarado kuwa qumaatiga ukaca ah ayaa Maydadka Soddon askari geeyay isbitaalka Magaalada Nairobi halkaasi oo ay kusoo xoomen dad badan oo baadi goob ugu jira wiilashooda.
“Waxa uu ahaa muuqaal xun waxa ka dhacaya xerada”ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha la hadlay The Standard isagoo intaa ku daray in weerarka uu si dhow ula ekaa kii gaadmada ahaa ee sanadkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Ceelcade , halkaas oo lagu dilay 173 askari.
Ciidamadaan ayaa dhawaan laga keenay Magaalada Mombasa, waxaana lagu badalay kuwa in muddo ah ku sugnaa Kulbiyow.
KDF ayaa horay usheegtay in 9 askari,Laba Sarkaal iyo todoba ruux oo kamid ah adeegayaashoodda ay ku dhinteen weerar Kulbiyow.
Si kastaba ha ahaatee Sheekh Cabdalcasiiis Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Alshabaab ayaa jimcihii sheegay in 67 askari ay ku dilen weerarkii Kulbiyow wixii yaalay xeradana ay qaniimesteen.
alxamdulilaaah aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay jabkii soo gaalay gaalada