Trump oo xilka ka qaaday Wasiirad ka hort timid amar uu bixiyay.

Madaxweynaha cunsuriga Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan soo saaray qaraar uu kaga mamnuucay muwaadiniinta kasoo jeeda todobo dowladood oo katirsan Caalamka Islaamka iney soo galaan dalka Maraykanka, ayaa waxaa go’aankaas aad uga hor yimid mas’uuliyiin katirsan dowladda Maraykanka.

Haweeneyda ku magacaaban wasiirada Cadaalada ee dowladda Maraykanka Sally ayaa sheegtay in go’aanka lagu mamnuucay iney dalka Maraykanka soo galaan dad Muslimiin ah uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana wasaaradeedu aysan fulin doonin amarkaas.

Maqaal ay qortay ayay ku sheegtay in mas’uuliyadeeda ay wax u dhibeyso fulinta qaraaro noocan oo kale ah, waxaana markii ay jeedisay hadalkaas kadib bayaan caro leh soo saaray Aqalka cad ee Maraykanka, taas oo lagu sheegay in wasiiiradu ay ku kacday khiyaano qaran.

Trump ayaa jagada wasaaradda cadaaladda u dhiibay haweenay kale.

Banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah go’aannada Trump ayaa ka soconaya gobollo kala duwan oo katirsan Maraykanka, waxaana Booliiska iyo laamaha Amaanka ay isku dayayaaan iney joojiyeen inkastoo ay awoodi la’yihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.