Weerar khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay magaalada Istanbuul.
Iyadoo habeenkii xalay ahaa meelo badan oo katirsan Caalamka looga dabaal degayay waxa loogu yeero bilashada sanadka cusub ayaa waxaa si aad ah loo adkeynayya amaanka dalal badan.
Dalka Turkiga meel lagu caweeyo xilliyada habeenkii ah oo ay ka socdeen dabaaldegyo ayaa weerar khasaare badan dhaliyay lagu qaaday, waxaana faafaahin kala duwan ay kasoo baxeysaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.
Goobta la weeraray oo ku talla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay 33 Ruux, iyadoona laga yaabo in dhimashadu intaas kabadantahay.
Gudoomiyaha magaalada Istanbuul oo shir jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ku tilmaamay weerarka inuu ahaa mid Argagixiso, isagoona intaa ku daray iney ku daba joogaan shakhsiga weerarka geystay oo goobta ka baxsaday.
Qofka weerarka geystay ayaa inta uusan gelin Maqaayada wuxuu dagaal kooban la galay Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa ilinka hore, isagoona dilay tiro kamid ah.
maansha allaah ,ilaahy ayaa mahad leh faasiqiintaa iyo gaalada ,dadka dhaafiyey.