Xarakada Al-Shabaab oo baahisay sawirrada weerarkii Kulbiyow.
Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Andalus ayaa baahisay sawirro muujinaya weerarkii maalintii Jimcaha guutada Saalax Nabhaan ay ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen duleedka deegaanka Kulbiyow ee gobollada Jubbooyinka.
Sawirrada oo aad u farabadan ayaa muujinaya sida uu ku billowday dagaalka, Ciidamada Mujaahidiinta oo u daadanaya dhufeysada ciidamada Kenyaatiga.
Waxaa sidoo kale Sawirrada lagu arkayaa maydadka ciidamada Kenya, hub iyo gawaari dagaal oo ku jira gacanta Mujaahidiinta.