Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dagaal kulul kula wareegtay deegaanka Kulbiyow.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa weerar ku qaaday waaberigii saaka saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin nawaaxiga deegaanka Kulbiyow ee dhaca xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay ku waramayaan Ilo xog ogaal ah, waxaa weerarka lagu daah furay Camaliyaad Istish-haadi ah, waxaana intaas kadib gudaha saldhiga u daatay ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Khasaare lixaad leh ayaa la sheegayaa in la gaarsiiyay ciidamada Kenya walow aan tiro dhab ah la hayn, waxaana sidoo kale jira saanado milliteri oo u gacan galay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Saldhiga Ciidamada Kenyaatiga laga eryay iyo deegaanka Kulbiyow waxaa gacanta ku haya xilligan Ciidamada Mujaahidiinta.

Wixii soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa Inshaa’Allah.

(getzonedup.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.