Yahuudda oo Xukun Xabsi ah ku riday Caruur Filastiiniyiin ah.

Maxkamad hoostagta maamulka Yahuudda kuna taalla magaalada Al-Qudus ee ku jirta gumeysiga ayaa xukun xabsi ah ku riday Caruur Filastiiniyiin ah oo sanadkii 2015 ay gacanta ku dhigeen booliiska Yahuudda.

Caruurta Xukunka xabsiga ah lagu riday oo lagu kala magacaabo Shaadi Faraax oo 13 jir ah, iyo Axmed Al-Zactari oo 14 jir ah ayaa lagu eedayay iney isku dayeen fulinta weeraro kaligii duulnimo ah oo ka dhan ah dad Yahuud ah.

Qaadiga xukunka riday ayaa sheegay in wiilashan ay ku cadaatay Eedeymaha loo soo jeediyay, islamarkaana lagu xukumay xabsi gaaraya labo sano, kaas oo ka bilaabanaya maalinta uu xukunka soo baxay.

Halka sano iyo bilooyinka ay xirnaayeen ayaan la tirin, waxaana mudada lagu xukumay ay ka bilaabaneysaa sanadka cusub ee 2017.

Xukunnada noocaan ah ee lagu rido caruur da’ yar oo xitaa aan qaangaarin ayaa dhowr jeer oo hore waxaa riday maxaakiim uu leeyahay maamulka Yahuudda, waxaana tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dhibaatada ay la kulmayaan Muslimiinta dulman ee Reer Filastiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.