Abuukar Cumar Caddaan: “Gaaladu Waa Cadawgeena Wax Ay Inoo Qabanayaanna Ma Jiraan” (Dhageyso)
Abuukar Cumar Caddaan oo kamid ah ganacsatada ugu caansan Soomaaliya, marna kasoo mid noqday Maxkamadihii Islaamiga oo wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyay war baahinta Al-furqaan ayaa si kooban uga warramay taariikhdiisa iyo xaaladda wadanka.
Abukar ayaa sheegay inuu dhallinyaranimadiisii soo noqday askari ka tirsanaa ciidankii Soomaaliya, kadibna uu ganacsade noqday, waxa kale oo uu wax ka taabtay kamid ahaanshihiisii maxkamadaha iyo arimo kale oo muhim ah.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda wadanka, isagoo ummada Soomaaliyeed dareensiiyay in shisheeyaha kusoo duulay wadanka yihiin cadaw uu Allaah inooga waramay, loona baahan yahay inaan lagu kadsoomin, waxa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay maamulada faraha badan ee ay shisheeyuhu wadanka ka dhiseen, kuwaasoo uu tibaaxay iney wadanka iyo ummadaba u horseedayaan fasaad iyo dhibaato.