Al-Shabaab oo Weeraro ka geystay gobollada Mudug iyo Bari.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay habeenkii xalay ka fuliyeen magaalooyinka Gaalkacayo iyo gobolka Mudug, weeraradaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo Saraakiil katirsan maamulka Puntland.
Dhanka Boosaaso, ciidamo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaaba ayaa weerar hubeysan ku qaaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana goobta dhacay is rasaaseyn dhexmartay labada dhinac.
Ugu yaraan saddex Askari oo uu ku jiro Sarkaal sare oo katirsan Puntland ayaa goobta lagu dhaawacay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas kabato.
Dhanka kale magaalada Gaalkacyo ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay ku dhaawaceen Gudoomiyihii Maxkamadda Darajada koowaad ee maamulka Puntland ee gobolka Mudug Cabdi Raxmaan Kilwa.
Weerarada ka dhanka ah saraakiisha iyo ciidanka Puntland ayaa kusoo badanaya magaalooyinka uu maamulkaas ka arimiyo.