Beeralayda degmada salagle oo horumar ku tilaabsaday(Codad+Sawiro)

Bulshada ku dhaqan magalada salagle ee gobalka jubada hoose ayaa sanadkii u dambeeyay muujiyay dadaal balaaran oo la xariira dhanka wax soo saarka.

Beero hor leh ayaa la falay iyadoo kuwa horay u shaqeynayayna howshooda lagu sii dadaalay waxaan la arkayaa rag iyo dumar ku howlan wax tacbashada.

Galeyda ayaa xiligaan aad loo beerayaa waxaana dadka shaqadaan wada ka mid ah dhalinyaro ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee Kenya ay maamusho.

Weli wax soo saarku ma gaarin heer aad u sareeya marka loo eego degmooyinka kale ee wabiyada juba iyo shabeele maraan hase ahaatee reer salagle waxay u muuqdaan iminka in ay dhulka ku foorarsadeen oo ay qaadeen tilaabooyin ay dhigood ku hiigsanayaan.

Madaxa gudiga beeraleyda salagle iyo milkiiyaal kale ayaa Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan u sheegay in is kaashi kadib ay ku guuleysteen in miro badanu beeraha ka soo go’aan.

Waxay intaas ku dareen in haatan ay damacsan yihiin sidii ay tilaabooyin dheeraad ah u qaadi lahaayeen si ay isku filnaasho u gaaraan waxaanay tibaaxeen in laga raystay hay’adihii shisheeye ee hor taagnaa in wax la tacbado iyo in dadku aaminaan in ay shaqeysan karaan.

Beeraleydu waxay fariin u direen dadka tahriibaya oo ka tegaya dalkooda hodonka ah iyo kuwa xiliyo hore dowladaha shisheeye isu dhiibay ee qaxootiga ah.

waxay qurba joogta ugu baaqeen in ay dalkooda ku soo noqdaan iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay siiyaan dhul ay tacbadaan si ay u gaaraan nolol ka wanaagsan midda dhulka shisheeye.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Beeraleyda salagle

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.