Ciidamada Alshabaab oo ka dagaalamay Bartamaha Boosaaso.

Sawir Boosaaso

Dagaalka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari oo dhexmaray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Maamulka Cabdiwali Gaas.

Shan askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka sida aynu kasoo xiganay illo wareedyo.

Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa si qorshaysan uweeraray isgoyska soddonka gaar ahaan wada dheer ee isku xirta kantaroolka laga soo galo magalaada iyo bartamaha Bosaso sida ay kuwaramayaan Warbaahinta Ka Howlgasha Magaalada.

Isbitaal Boosaaso ku yaala ayaa la geeyay askar ciidamada Maamulka Puntland kaga dhaawacantay dagaalkii xalay.

Ammaanka Boosaaso ayaa xumaanaya, waxaana kusoo badanayaa weerarada ka dhanka ah Maamulka ee ka imaanaya Alshabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.