Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga arkayaa holac iyo qiiiq ballaaran oo ka baxaya Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo ah Suuqa bakaaraha, kadib markii uu dab xoogan qabsaday qeybo kamid ah Suuqa.
Dabkan oo aan la ogeyn illaa iyo hadda waxa dhaliyay ayaa la sheegayaa inuu saacadba saacadda ka dambeyso sii fidayo, isagoona gebi ahaaanba baaba’iyay xarumo ganacsi oo waaweyn.
Qeybaha lagu iibyo Maacuunta, Hargaha, iyo Suuqa Khaliifa oo ah dhimso ganacsi oo ku yaala Bakaaraha ayaa kamid ah meelaha uu dabka sida xoogan u basbeeliyay, waxaana sidoo kale lasheegayaa inuu dabka gaaray sarta dheer ee Cali dheere.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa wada isku dayo ay ku doonayaan iney ku damiyaan dabka, balse weli ma guuleysan.