Dagaal Gaari Looga Qabsaday Ciidamada Kenya oo Ka Dhacay duleedka Mandhera.
Dagaalka ayaa yimid ah Markii Ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Carabiya oo udhaxeeya Magaalada Mandheera iyo Lafey.
Wararka kusoo dhacay warqabadka idaacadda Alfurqaan ayaa ku waramaya in dagaalka uu dhaliyay qasaaso xoogan oo soo gaaray askarta Kenya.
Gaari Kooyal iyo saanad hub ah ayaa la xaqiijiyay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada Alshabaab ee dagaalka qaaday.
Ciidamada Kenya ayaa ka firxaday xarunta ay ku sugnaayeen waxaana si dhab ah loo ogayn qasaaraha nafeed ee soo gaaray Ciidamada.
Mudada howlgalka uu socday ayay Ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin gubeen xaruntii shirkada isgaarsiinta ee Safaricom.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo Dowladda Kenya oo ku aadan dagaalka xalay saq dhexe ka dhacay deegaanka Carabiya ee duleedka Mandheera.
Dowladda Kenya ayaa la kulmeysa dhiig bax wixii ka danbeeyay markii ay kusoo duushay dalka Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa wadamada reer galbeeka iyo Yahuuda.