Dhageyso: Itoobiya oo dad xasuuqday kuwa abaaru haysana Diiday in loo gurmado.

Dowladda Itoobiya ayaa deegaan u dhaw halka gobalada Mudug iyo Galgaduud soohdin beenaadka kala wadaagaan waxay Ku xasuuqday qaar kamid ah dadka halkaa deganaa.

Ilaa sideed nin ayaa la sheegayaa in ay isku meel ku dishay arintaasoo murugo ku beertay bulshada deegaanka.

Sidoo kale dhawaan degmada Caabuud waaq oo ka tirsan Soomaaliya ayay ku dishay sadax nin iyadoo magaalada la deriska ah ee Balanbal dad ka afduubatay.

Xogtaan waxaa Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan u sheegay aqoon yahan Cumar Macalin Cabdi xade oo ka deegaanadaas ka soo jeeda.

Wareysi dheer oo aannu la yeelanay ayuu sidoo kale ku sheegay in Itoobiya hor istaagtay dad abaartu saameysay oo in loo gurmado la doonayay arintaasoo muujineysa xaasidnimada iyo cadawtooyada Itoobiya u qabto dadka soomaaliyee ee muslimiinta ah.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Aqoon yahan Cumar Macalin.

Cumar ayaa soo hadal qaaay ciidamada liyu bolis la yiraahdo ee Itoobiya ku adeegato kuwaasoo xasuuqyada ay geystaan mararka qaar qabiil dusha laga saaro.

Wuxuu tilmaamay arintaasu in aanay macquul ahayn isla markaana ciidankaasu yahay mid itoobiya tababaratay danaheedana ka shaqeeya cid kalena aan dusha laga saari Karin dembiyada uu galay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.