Dhageyso:Taariikhda Madaxweyne Farmaajo.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heysta Dhalashada Dalka Maraykanka ayaa xalay loo doortay madaxweynaha Dowladda Federaalka ee afarta sano soo socota.
Waxa uu kamid ahaa in ka badan 20 Musharax oo tartan adag la galay Madaxweynihii horre Xasan Sheekh oo isku heystay inuu sii fadhin doona kursiga.
Qoraal uu Taariikh nololeedkiisa kaga waramay ayuu Farmaajo ku sheegay inuu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole.
Faramaajo waa aqoonyahan inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka.
Waa nin ay ku weyntahay fulinta danaha Maraykanka oo muddo dheer uu daganaa magaalada New York.
Waxaa la xasuustaa xiligii reysulwasaaraha uu ka ahaa Dowladii Shariif Sheekh Axmed inuu si cad uu usheegay in Soomaaliya uu ka difaacayo Dalka Maraykanka.
Shaqooyin kala duwan ayuu kasoo qabtay Dalka Maraykaanka.