Diblumaasiyiin Maraykan ah oo ka hor yimid amar kasoo baxay Donalad Trump.

Dhawaan madaxweynaha cunsuriga dalka Maraykanka Donald Trump wuxuu soo saaray amar uu kaga mamnuucay muwaadiniin kasoo jeeda todobo dal oo Islaam ah iney soo galaan dalka Maraykanka mudo saddex bilood ah , waxaana amarkaas si aad ah uga hor yimid diblumaasiyiin Ameerikaan ah.

Diblumaasiyiintan ka hor yimid amarka Trump oo ka shaqeeya wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka kana howlgalo dalal Islaam ah ayaa u arka qaraarkaas inuu yahay mid halis gelin kara amnigooda, loona baahanyahay in laga laabto.

Kudhowaade kun Diblumaasi ayaa gudbiyay qoraal ah kaga cabanayaan go’aanka Donald Trump, waxana ay sheegeen in amarka madaxweynaha uusan ahayn wax la aqbali karo.

Sidoo kale gobollo badan oo katirsan dalka Maraykanka ayaa maamullada ka ka jira waxay ka hor yimaadeen amarka Donalad Trump.

Inkastoo go’aanka Trump ay dad badani mucaaradeen hadana waxaa muuqaneysa in uu dhaqan galay, waxaana la xiray dad badan oo kasoo jeeda todobada dal oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Yaman iyagoo ka degaya garoonada diyaaradaha ee ku yaala dalka Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.