Diyaarad ku dhacday dalka Austrelia iyo khasaare ka dhashay.
Wararka ka imaanaya dalka Austrelia ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ay ku dhacday suuq ganacsi oo ku yaala gudaha dalkaas,
diyaaradda oo ahayd noocyada yar yarka ah ee dadka yar qaada ayaa ka leexatay wadadii ay ku socotay, waxanaa ay ku dhacday dabaq dheer oo shirkad ganacsi ah oo ku yaala meel u dhow magaalada Malbarun ee dalka Austrelia.
Saraakiil katirsan Booliiska oo la hadlay warbaahinta waxay xaqiijiyeen in 5 Ruux oo ahaa dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen, islamarkaana uu dumay dabaqa, waxaana shilkan uu dad badan dib u xusuusiyay weeraradii lagu dumiyay daarihii mataanaha ee dowladda Maraykanka sanadkii 2001.
Ra’iisul wasaaraha gobolka Vectoriya ayaa sheegay in shilkan uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee sodonkii sano ee ugu dambeysay ka dhacay dalka Austrelia.