Dowladda Maraykanka oo sheegatay dilka hogaamiye ku shahiiday Suuriya.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda dagaalka Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyn dhawaan ka dhacday dalka Suuriya lagu dilay hogaamiye ay ku sheegtay inuu katirsanaa Alqaacida.
Wasaaradda dagaalka ayaa sheegtay in hogaamiye Abuu Haani Al-Misri uu ahaa mas’uul sare oo katirsan Alqaacida, islamarkaana kamid ahaa hogaamiyaashii kumanaan dhalinyaro Muslimiin ah kusoo tababaray dalka Afqaanistaan sanadadiii sideenkii iyo sagaashankii.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Abuu Haani uu xiriir wanaagsan lalahaa hogaamiyihii hore ee Alqaacida sheekh Usaama bin laadin iyo amiirka haatan talada u haya Alqaacida ee Sheekh Ayman Al-dawaahiri.
Dhawaan ayaa diyaarad drones ah waxay Abuu Haani Al-Misri ku beegsatay deegaan dhaca gobolka Idlib, waxaana sawirro laga soo qaaday lagu arkayay gaariga Mujaahidka oo burburay, waxaana sida ilo ku dhow dhow Mujaahidiinta Suuriya ay sheegeen uu Abuu Haani katirsanaa saraakiisha milliteri ee Xarakada Axraaru-Shaam.