Goormuu ahaa xiriirkii ugu dambeeyay ee Sheekh Cumar la sameeyo ahalkiisa?

Cabdi Raxmaan oo kamid ah wiilasha uu dhalay Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan ayaa ka warbixiyay xiriirkii ugu dambeeyay oo uu aabihiisa lasoo sameeyo qoyska, isagoona sheegay macluumad dheeri ah oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay Sheekha.

Cabdi Raxmaan ayaa sheegay in aabihiisa uu labo todobaad ka hor lasoo xiriiray hooyadiisa, uuna u sheegay inuu la kulmayo ciriiri iyo dhibaatooyin uga imaanaya dhanka maamulka Xabsiga.

Wuxuu sheegay sheekha xilliga uu lasoo xiriiray xaaskiisa in loo diiday inuu isticmaalo dawooyin uu isticmaali jiray, taasna ay horseeday in xanuunkiisa uu sii xoogeysto.

Maamulka Xabsiga ayaa Sheekha u ogolaaday in 15 daqiiqo uu la hadlo xaaskiisa, waxaana wicitaankaas uu ahaa midkii ugu dambeeyay oo Sheekh Cumar lasoo sameeyo ahalkiisa.

Wiilka uu dhalay Sheekha ee la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay iney socdaan dadaallo lagu doonayo in meydka Sheekha la keeno dalka Masar balse dowladda Masar ay ka caga jiideyso in ay kaalin ka qaadato sidii meydka Sheekha loo keeni lahaa dalka Masar.

You might also like
1 Comment
  1. Ibnu taymiya says

    Ilaahay shahaadadiisa hu aqblo sheekha .eheladiisii intii uu jeclaana ilaahay samir badan ha siiyo ,sheekha addunyada uu ka tagay ka murugoon maayo ,oo maal ka wanaagsan ayaauu tagay ,aakhirana ka biqi maayo oo meel wanaagsan ayuu ku leeyahay waayo mujaahid fuliyey ballantiiuu ilaahay ka qaaday culimadda ee ahayd in xaqa la cadeeyo ,taasi ayaanu u dhintay sheekhu . Ummada islaamka ahana waxaan ugu baaqayaa in ay u aar gudaan sheehka oo ah jehaadka la joogteeyo ,dacwadan la joogteeyo ,qof waliba intii tamartiisa ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.