Hogaamiye Muhaajir ah oo ku dhintay dalka Suuriya.

Sida ay xaqiijinayaan ilaha soo tabiya wararka dhulka barakeysan ee Shaam, waxaa gelinkii dambe ee shalay duqeyn diyaaradeed ku shahiiday hogaamiye Muhaajir ah oo lagu magacaabo Sheekh Abuu Haani.

Sheekh Abuu Haani ayaa kasoo jeeda dalka Masar, waxaana uu kamid ahaa dadkii billowgii kacdoonka Suuriya soo gaaray Shaam, islamarkaana ka qeyb qaadanayay dagaalka ka dhanka ah Nusayriyada iyo Ruushka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Abii Haani Al-Misri oo kasoo jeeda dalka Masar uu ka ag dhawaa Xarakada Axraaru-Shaam.

Deegaan lagu magacaabo Baatbuu oo dhaca gobolka Idlib ayaa mid kamid ah diyaaradaha Taxaalufka ku beegsatay, waxaana sawiro lasoo dhigay internetka lagu arkayay burbruka gaariga iyo meydaka Muhaajirka Abuu Haani Al-Misri.

You might also like
1 Comment
  1. Ibnu taymiya says

    Alla ha u aqbalo shahaadada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.