Idiris Xasan”Farmaajo Maraykanka iyo Soomaaliya Wuxuu Daacad uyahay Maraykanka”(Maqal)

Idaacadda islaamiga ah alfurqaan ayaa barnaamijka dhuuxa xalay ku wareysatay Inj Idiris Xasan Faarax oo kamid ah aqoonyahanada qurbo joogta ah ee la socda hardanka ka socda Soomaaliya.

Waxa uu soo bandhigay qodobo dhowr ah oo Farmaajo hadduu dhaqan galiyo uu ka duwanaan doono madaxweynayaashii isaga ka horeeyay ee soo maray Soomaaliya.

Qaar kamid ah Qodobada.
1 waa inaad ka shaqaysaa sidii wadanka cadawga qabsaday looga saarilahaa
2 waa inaad ka shaqaysaa sidii loola heshiin lahaa Al-shabaabul mujaahidiin
3 waa inaad ka shaqaysaa sidii loo midayn lahaa umada somaliyeed dhamaan
4 waa inaad ka shaqaysaa sidii loola diri lahaa musuq maasuqa
5 waa inaad ka shaqaysaa sidii loola diriri lahaa Dabadhiif
6 waa inaad ka shaqaysaa sidii loo soo celin lahaa madaxbanaanidii somaliya
7 waa inaad ka shaqaysaa sidii loo soo celin lahaa ugu yaraan xaduud beenaadkii somaliya uu gumaystuhu u sameeyay
8 waa inaad ka shaqaysaa sidii u soo noqon lahayd kal soonidii somalidu isku qabijirtay
9 waa inaad ka shaqaysaasidii somaliya looga difaaci lahaa cadawga hororka ah sida beesha shayadaan Qandhilileey iyo kuukuuyo
10 waa inaad ka shaqaysaa sidii somaliya looga saari lahaa calooshooda u shaqaystayaasha reer galbeed u kiraysa waxa loogu yeero AMISOM
11 waa inaad ka shaqaysaa sidii loo baraarujin lahaa umada somaliyeed
12 waa inaad ka shaqaysaa sidii loo joojin lahaa beenta xadka dhaaftay ee lagu kala dilay umada somaliyeed.

Dhanka kale Idiris Xasan Faarax ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay Muwaadin Maraykan ah isaguna uu aaminsanyahay in Soomaaliya iyo Maraykanka u Farmaajo Daacad uyahay Maraykanka.

Dhageyso Wareysiga Idiris Xasan Faarax.

(hypecloth.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.