Madaxweynaha Cilmaaniga Turkiga Ordogan oo gaaray dhulka Xaramaynka.

Rajab Dhayib Ordogan madaxweynaha cilmaaniga  dowladda Turkiga ayaa socdaal ku maraya wadamada khaliijka carabta isagoona la kulmaya madaxda dalalkaas, si ay uga wadahadlaan masaaalixda wadajir ah ee dowladaas ka dhexeysa.

Gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd ayuu Ordogan ka degay garoonka diyaaradaha ee Malik Feysal, waxaana soo dhaweeyey boqorka nidaamka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil Caziiz, amiirka magaalada Riyaad, iyo wasiirka arimaha dibadda ee nidaamka Aala-Sucuud Caadil Al-Jubeyr.

Ordogan oo kasoo duulay magaalada Manaama ee caasimadda dalka Kuweyt ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro iyo saraakiil sar sare oo katirsan xukuumadiisa, waxaana kamid ah wasiirka tamarta, kan difaaca, iyo sidoo kale Taliyaha hay’adda sirdoonka Turkiga.

Sida ay sheegayaan diblumaasiyiinta labada dhinac, waxaa mas’uuliyiintan ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii hormarin lahaa cilaaqaadka ka dhexeeya dowladda Turkiga iyo kuwa khaliijka, waxaana Ordogan lagu wadaa inuu gaaro dhawaan dalka Qadar si uu ula kulmo madaxda dalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.