Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo dilay Maxaabiis ku jiray xabsiga Sancaa.
Iska hor imaad u dhexeeyay maxaabiista ku jirta xabsiga weyn ee magaalada Sancaa iyo ilaalada xabsiga oo ah malleeshiyaad taabacsan Xuuthiyiinta ayaa lagu soo waramayaa iney ka dhaceen xabsiga weyn ee magaalada Sancaa.
Xabsigan oo lagu hayo boqolaal Maxaabiis muslimiin ah ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin kala duwan, kuwaas oo ay ugu weyntahay jirdil ay la kulmaan Maxaabiista, iyo in la ihaaneysto dadka qaraabada la ah Maxaabiista xilliga ay soo booqanayaan maxaabiiista.
Maalintii shalaya ayaa la sheegay in maxabiista xiran ay dagaal la galeen ilaalada Xabsiga, waxaana maxaabiistu adeegsanayeen dhagxaan iyo ulo, halka Xuuthiyiintuna kusoo jawaabeen rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
Ugu yaraan Afar Ruux ayaa dhimatay, kuwa kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, waxaana iska hor imaadkan uu ka dambeeyay kadib markii Malleeshiyaadka Xuuthiyiintu ay ihaano kula kaceen haweeney soo booqatay qof kaga xirnaa xabsiga.