Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay.

Barqinimadii maanta ayaa Qarax xoogan wuxuu ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Farmaajo.

Qarax ayaa sababay inuu geeriyoodo C/raxmaan Afleershe oo kamid ahaa mas’uuliyiintii maamulka dowladda hoose ee gobolka Banaadir.

Qaraxa waxaa sidoo kale waxyeello ay kasoo gaartay Ciidamo katirsan dowladda oo marayay goobta, waxaana dhaawacmay labo Askari.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay howlgallada ka dhanka ah mas’uuliyiinta iyo ciidanka dowladda federaalka, waxaana muuqaneysa in awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kusii korortay Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.