Maxamad Yarow oo Isku Dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. (Sawir)

Maxamad Yarow Ibraahiim oo ka tirsanaa maamulka Shariif Xassan ayaa isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo sheegay inuu Allaah uga towbad keenay kamid ahaanshihiisii maamulkaasi.

Wuxuu sheegay inuu muddo ku sugnaa magaalada Baydhabo islamarkaana uu kusoo arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo dadka muslimiinta ah ku amar taagleynaya, taasna ay kamid tahay wax yaabaha uu u dul-qaadan waayay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadafkiisa ugu weyn uu ahaa inuu xildhibaan ka noqdo maamulkaas, laakin uu diidmo qayaxan kala kulmay Shariif Xassan, mar ay si toos ah u wada fariisteen.

Wareysi aynu la yeelanay ayuu uga waramay waxa u qorsheysan maadaama uu yimid dhul nabad ah oo lagu soo dhaweeyay, isagoo ummada Soomaaliyeed ugu baaqay iney la halgamaan shisheeyaha.


You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.