Mujaahidiinta Banqaazi oo ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan Diyaarad uu leeyahay Xaftar.

Wararka ka imaanaya magaalada dhiban ee Banqaazi ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Golaha shuurada kacdoonka Banqaazi ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin malleeshiyaadka dagaal Ooge Khaliifa Xaftar.

Diyaaradan oo ah noocyada dagaalka, islamarkaana duqeymaha fuliya ayay Mujaahidiintu kusoo rideen deegaanka Al-Jafra oo uu ku yaalo garoon milliteri oo ay kasoo kacaan diyaaradaha dagaalka ee Xaftar, kuwaas oo duqeymo ka geysta magaalada Banqaazi.

Labo Duuliye ayaa diyaaradda saarnaa, waxaana mid kamid ah ay Mujaahidiintu arkeen maydkiisa, halka mid kalena loo badinayo inuu dhintay balse maydkiisa ayaa la la’yahay, waxaana socoda baaritaanno ku aadan halka uu ku dhacay.

Magaalada Banqaazi ayaa kamid ah magaalooyinka Muslimiinta ee dhibaatada xoogan al kulmaya, waxaana ka dhaca duqeymo joogta ah oo ay fuliyaan diyaarado noocyo kala duwan leh oo qaarkood hoostaga dowladaha Reer galbeedka, Imaaraadka Carabta iyo dagaal ooge Khaliifa Xaftar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.