Nidaamka Nusayriyga oo dad ku xasuuqay Dimishiq.
Diyaaradaha nidaamka iyo mallleeshiyaadkiisa ayaa ku kacaya gabood fallo waaweyn ooo ka dhan ah dadka Muslimiinta, waxaana muuqaneysa in maalmihii ugu dambeeyay uu nidaamku xooga saaray magaalooyinka iyo deegaanada dhaca duleedka magaala madaxda dalkaas ee Dimishiq.
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha Nidaamka maalintii shalay ay sawaariikh waaweyn ku garaaceen deegaan dhaca bariga magaalada Dimishiq, iyagoona halkas ku dilay labaatan Ruux, halka ay dhaawaceen boqol Ruux oo dumar iyo caruur ay ku jiraan.
Duqeymaha oo socoda kudhowaad hal todobaad ayaan kala joogsi lahayn, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaraya dadka Muslimiinta.
Xaafadaha Al-Tadaamun iyo Kaamka Al-Yarmuuk ayaa kamid ah deegaanada uu nidaamku sida daran u duqeeyay, waxaana kooxaha difaaca madaniga ay soo sheegayaan in culeesyada jira aysan waxba ka qaban karin, balse ay dadaal dheeraad ah bixinayaan.