Nin hubeysan oo labo Ruux ku dilay dalka Maraykanka.

labada Ruux ee la weeraray.

Wararka ka imaanaya gobolka Kansas ee dalka Maraykanka ayaa tibaaxaya in nin hubeysan oo toogasho kula kacay dad ku sugnaa goob lagu daawado Ciyaaraha oo ku taallla  gobolkaas.

Qofka hubeysan ee dilka geystay oo ku dhawaaqayaya, iiga baxlkeyga ayaa rasaas la dhacay labo ruux oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya, waxaana goobtaas ku dhintay hal ruux, isagoona mid kale uu dhaawacmay.

Ninka dilka geystay oo sida muuqata ah cunsuri kasoo jeeda cadaanka Maraykanka ayaa da’ ahaan waxaa lagu sheegay 51 jir, waxaana sidoo kale uu dhaawacay qof dhalinyaro ahaa oo isku dayay inuu qabto markii uu xabadda  ridayay.

War kasoo baxay Booliiska Maraykanka ayaa lagu sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ninka dilka geystay oo saacado kadib markii uu dadka dilay ku faanay inuu laayay dad kasoo jeeda mandiqadda Bariga dhexe.

Dhanka kale wasaaradda arimaha dibadda Hindiya ayaa cambaareysay weerarkan lagu dilay muwaadiniin asal ahaan kasoo jeeda dalkeeda, waxaana war lagu qoray barta twitterka ee wasaaradda lagu sheegay iney ka walaacsanyihiin waxa dhacay.

Weerarada cunsuriga ee noocan kale ah islamarkaana ay geysanayaan dadka cadaanka ah ayaa sii kordhay wixii ka dambeeyay markii talada dalka Maraykanka uu la wareegay cunsuriga islaam nacaybka ku xeel dheer Donalad Trump.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.