Nin la dhashay hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi oo lagu dilay dalka Malayziya.

Magaalada Kulalamboor oo ah caasimadda dalka Malayziya ayaa lagu Iqtiyaalay wiil la dhashay madaxweynaha Kuuriyada Wuqooyi, kaas oo lagu magacaabo Kiin Jonck Iil.

Ninka la dilay oo 45 jir ah ayaa lagu magacaabaa Kim Jonck Naam , waxaana isku hooyo yihiin hogaamiayaha kuuriyada Wuqooyi.

War kasoo baxay Kuuriyada Wuqooyi ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay ninkaas, islamarkaana ay tuhmayaan dowladda ay cadaawada adag kala dhexeyso ee Kuuriyada Koonfureed in ay ka dambeyso dilkaas.

War kasoo baxay dowladda Malayziya ayaa lagu sheegay in muwaadin kasoo jeeda Kuuriyada Wuqooyi lagu dilay gudaha garoonka magaalada Kulalmboor, kaas oo isagoo dhaawac ah la dhigay Isbitaal balse markii dambe ayuu geeriyooday.

Xiriiro ballaaran oo lagu doonayo in meydka ninkaas lagu geeyo dalkiisa ayuu u dhexeeya dowladaha Kuuriyada Wuqooyi iyo tan Malayziya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.