Qaraxyo waaweyn oo ruxay bartamaha magaalada Ximis.
Rag hubeysan oo watay suumanka waxlaha qarxa ay ka buuxaan ayaa weeraro xoogan waxay ku qaadeen xarumo nidaamka Nusayriga uu ku leeyahay magaalada Ximis ee dalka Suuriya.
Sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah ee laga helayo weeraradan, waxaa ragga hubeysan ay weerareen xarunta maamulka iyo milliteriga magaalada Ximis, waxaana dhacay lab qarax oo aad u waaweyn kuwaas oo gallaaftay nolosha saraakiil iyo ciidamo farabadan oo katirsan sirdoonka Nidaamka Bashaar Al-Asad.
Sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee Faransiiska, waxaa weeraradaas ku dhintay 42 Ruux oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan nidaamka, waxaana Saraakiisha la dilay ku jiro madaxii sirdoonka milleteriga Korneel Xasan Dacbuul.
Qaraxyadan oo ah kuwii ugu khasaaraha badnaa uguna xooga badnaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Ximis ayaa la sheegayaa iney fuliyeen Inqimaasiyiin katirsan hay’adda Taxriiru-Shaam, balse weli majiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda oo ku aadan Qaraxyadan.