Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda oo codsaday in buuraleyda Jowlaan loo aqoonsado in Yahuuddu leeyihiin.

Bin Yamin Natanyahu ayaa socodaal ku jooga dalka Maraykanka, isagoona kulamo la qaatay madaxda dalkaas oo uu ugu horeeyo madaxweynaha cunsuriga Donalad Trump.

Kulamada labada dhinac oo warbaahintu ku tilmaameen inuu ahaa mid sarreeya, islamarkaana laga dareemayay jacaylka uu Trump u qabo Yahuudda ayaa waxaa intooda badan looga hadlayay muranka u dhexeeya Yahuudda iyo filastiiniyiinta, kaas oo soo jiitamayay tobanaan sano oo xiriir ah.

Natanyahu ayaa mar uu la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in Donald Trump uu ka codsaday iney aqoonsato in buuraleyda Jowlaan oo ciidamda Yahuuddu xooga ku joogaan ay hoostagto maamulka Yahuudda.

Dalabkan oo ah mid Natanyahu uu marar badan ka codsaday xukuumadihii soo maray Maraykanka ayaa xilligii Obama laga diiday, balse haatan lama oga go’aanka uu ka qaadan doono arintan Aqalkacad ee Maraykanka.

Trump ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiis ay gaaraan Yahuudda iyo maamulka Filastiin, waxaana uu intaas kadib uu sheegay inuu ugu baaqayo dhanka Filastiiniyiinta iney joojiyaan tallaabooyin uu ku tilmaamay iney yihiin kuwa nacayb abuuri kara.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.