Reer muqdisho oo ka jawaabay warkii Farmaajo ee ahaa “Nala Shaqeeya”
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho intooda samaha jecel ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin warkii madaxweynaha dowladda federaalka ee ahaa “nala shaqeeya lacag baan idin siinayaaye”
Waxay sheegayaan in Farmaajo oo ka yimid dalka Maraykanka uu leeyahay dhaqankii dowladda Maraykanka gaar ahaan hay’adeeda sirdoonka ee CIA-da ee ahaa in dadka ay calooshood u shaqeystayaal jawaasiis ah ka dhigato.
Waxay tilmaameen in farmaajo si xun u bahdilay uuna isku dayayo in ay noqdaan daba dhilifyo u shaqeeya dowlado shisheeye iyo maamul ku daaban oo u daacad ah.
Aqoon yahan jooga magaalada Muqdisho oo aanu sababo ammaan magaciisa u qarinay ayaa tilmaamaya in arintaanu tahay wax aad looga xumaado oo laga murugoodo.
Geesta kale waxa uu sheegayaa in ay suura gal tahay in askarta dowladda federaalku isku dayaan inay ka faa’iideystaan warka farmaajo isla markaana ay abaabulaan gaadiid qaraxyo saaran yihiin kadibna ku doodaan “anaga ayaa soo qabanay”
Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in uu boqol kun oo doolar siinayo ciddii u soo sheegta gaari qarax saaran yahay waxaana yar cid rumeysatay warka ah in dhaqaalaha intaa la eg uu bixinayo ujeedadana waxaa loo fahmay in uu doonayo in uu dadka dadban jawaasiis uga dhigto.