Ruushka oo xabsiga dhigay Saraakiil sar sare oo katirsan sirdoonka dalkaas.
Maamulka Karmaliin ee dalka Ruushka ayaa xabsiga u taxaabay saraakiil sar sare oo katirsan sirdoonka dalkaas, kuwaas oo lagu eedayay iney jawaasiis u yihiin dowlado dagaal dadban kula jira Ruushka.
Saraakiisha la xiray oo ah kuwii ugu sareeyay tan iyo sanadkii 1991oo loo xiro tuhmo jaajuusnimo ayaa midkood wuxuu yahay mas’uulka labaad ee xarunta qaabilsan amniga macluumaadka ee sirdoonka Ruushka waxaana lagu magacaabaa Sergi, waxaana lala xiray sidoo kale caawiyihiisii.
Sida uu sheegay Looyarka u doodaya labadan nin, waxaa lagu soo eedayay iney bixiyaan xogo xasaasi ah oo ku aadan dowladda Ruushka ayna siiyeen dowlad ajnabi ah, waxaana looyarka uu sheegay in dowladaas uu u badinayo iney tahay dowladda Maraykanka, inkastoo taqriirka Ruushka kasoo baxay aan dowlad lagu magacaabin.
Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka ayaa waxaa ka dhexeeya dagaal hoose oo ku aadan qiimeynta awooda labada dal, balse waxay saaxiibo ku yihiin gumaadka Muslimiinta.