Waa kuma Sheekh Cumar C/Raxman oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Sheekh Cumar C.Raxmaan

Kudhowaad sodon sano oo xarig ah kadib, waxaa la shaaciyay istish-haadka Sheekha caalimka ah Cumar Cabdi Raxmaan, kaas oo u xirnaa dowladda Maraykanka.

Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan oo ah caalim muslim kana soo jeeda dalka Masar, ayaa waxaa dowladda Maraykanka ay xabsiga u taxaabtay sanadkii 1993 kadib markii ay ku eedeysay inuu ku lug lahaa qaraxyo xilligaas ka dhacay magaalada Newyork.

Sheekha oo ahaa indhool islamarkaan qabay xanuuno kala duwan oo ay ku jiraan Dhiig kar, Romatisim iyo kuwa kale ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku xanuunsaneyay xabsi ku yaala dalka Maraykanka oo kaligiisa lagu ilaaliyo.

Marka si kooban loo eego taariikhda Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan wuxuu 3 may sanadkii 1938 ku dhashay magaalada Al-Jamaaliyah ee gobolka Al-Diqhaliyah, waxaana dugsiga sare uu ka qallin jabiyay sanadkii1960-kii.

Wuxuu isla sanadkaas ku biiray Jaamacadda magaalada Alqaahira, isagoona ku biiray kulyadda Usuulu-diin, wuxuuna ka qallin jabiyay sanadkii 1965.

Wuxuu sheekhu xubin ka ahaa Jamaacadii Islaamiga ee Masar, taas oo kasoo horjeeday nidaamkii Jamaal Cabdi Naari, waxaana sheekha dowladda Masara ay xabsiga dhigtay sanadkii 1970-kii markii uu geeriyooday Jamaal Cabdi Naasir kadib.

Muda uu xirnaa kadib waa lasoo daayay Sheekha, wuxuuna dib u billaabay barashada diinta Islaamka, isagoona ku guuleystay inuu helo shahaadada Diktoora wuxuuna Buuga uu diyaariyay ka sheekeynayay Quraanka Kariimka.

Sanadkii 1981-dii ayaa mar kale Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan la dhigay xabsiga, isagoo markaas kasoo noqday dhulka Xarameynka, waxaana lagu eedayay inuu gacan ku lahaa dilkii Anwar Al-Saadaat, balse wuu baxsaday, isla bishii Octobar ee ee sanadkaas ayaana mar kale gacanta lagu sooo dhigay, waxaana xabsiga uu ku jiray tan iyo sanadkii 1964-tii markaas ayaana maxkamad milliteri waxay xukuntay inuu beri yaahy.

Sanadkii 1993 ayuu Sheekhu u safray dalka Maraykanka, waxaana isla sanadkaas lagu xiray gobolka New Jersy, illaa maanta oo la shaaciyay Istish-haadkiisana wuxuu ku jiray xabsi qarsoodi ah oo kaligiisa lagu tacdbiinayay.

You might also like
1 Comment
  1. Beerdhige says

    Inaalilaah wa inaa ileyhi raajacuun

Leave A Reply

Your email address will not be published.