Sh/Cali Dheere: Xasan Keena Ama Farmaajo Keena, Waxba isma Dhaamaan Cumalada Gaaladu (Kalimad Cusub) – DHAGEYSO
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa kalimad cusub oo uu jeediyey kaga hadlay isbedaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo doorashooyinkii horraantii bishan ka dhacay dalka ee uu kusoo baxay Muxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kalimaddan oo ah tii ugu horeysay ee uu jeediyo Sheykh Cali Dheere tan iyo markii lagu dhawaaqay hogaanka cusub ee DF ayuu ku faahfaahiyey go’aanka rasmiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka qabto dowlada cusub ee ay shisheeyuhu dhiseen, Isagoona sidoo kale dhambaallo kala duwan u diray dadka Soomaaliyeed iyo DF qudheeda.
“Kalimadan waxaan fariin ugu direynaa culimada, guud ahaan dadka Soomaaliyeed, Waalidiinta ay ilmahoodu gaalada askar u noqdeen iyo nidaamka cusub ee ay gaaladu keensatay iyo gaalada soo dirsatayba” ayuu yiri Sheykh Cali Dheere.
Kalimadan oo la dhageysan karo muddo 27 daqiiqo ah ayuu Sh. Cali Dheere fariin kulul ugu diray hogaanka cusub ee DF, Wuxuuna u sheegay in Mujaahidiintu aysan kala kulmi doonin wax aanan ka ahayn wixii ay kala kulmeen hogaanadii iyaga ka horeeyey.
“Waxaan u sheegeynaa kooxda murtadiinta ah ee uu Farmaajo calanka u sida in aad mari doontaa wadadii ay mareen kuwii idinka horeeyey. Laba arin midkood ayaadna noqon doontaan Insha’Allaah. Mida koowaad oo ah in aad ku baxdaan gacanta Muslimiinta iyo mida labaad oo ah in ay gaaladu idinka badal qaadato idiinkoo duleysan sida kuwii idinka horeeyey oo kale. Mab da’a gaalada kama hirgelin doontaan dhulkan ay Muslimiintu ku nool yihiin”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale la hadlay dowladaha reergalbeedka ee gadaal ka taagan dowladan taagta daran kuwaas oo uu u sheegay in dagaalka uu halkiisa ka sii socon doono, Islamarkaana aysan wax isbedal ah soo kordhin doonin magacyada iyo shaqsiyaatka ay marba mid cusub keenayaan si ay danahooda u fuliyaan.
“Gaalada kuwaan soo dirsatayna waxaan ku leenahay: Ama Cabdullaahi keena, ama Shariif keena, ama Xasan Keena, ama Farmaajo Keena, ama Faarax ama Jaamac. Waxba nooma kala duwana, Ujeedka dagaalkeenana kuma xirna Shaqsiyaat ee waxay ku xiran tahay mabaa’dii. Dalkana waad isaga bixi doontaa idinkoo duleysan, kuna qasaaray wixii naf iyo maal ahaa ee aad bixiseen, Waxaana u hari doona dadkii lahaa, Diinta Allaah ayaana lagu maamuli doonaa Insha’Allaah ama jeclaada ama naca”
Sheykh Cali Dheere ayaa sidoo kale kalimadan kula hadlay dadka Soomaaliyeed kuwaas oo uu ugu baaqay in aysan ku kadsoomin shirqoolada iyo dhagaraha shisheeyaha, waxaana uu sheegay in maamulka cusub ee Farmaajo uusan waxba ka gedisneen maamuladii ka horeeyey ee ay shisheeyuhu dhiseen.
“Ha ku sirmina dhagarta gaalada iyo gaala raacyada, waxay rabaan in ay Allaah idiinka fogeeyaan, Ibliisna idinku xiraan. Hadaad cizzi iyo sharaf rabtaan ku dhaga Islaamnimada, kana fogaada wax waliba oo Muslimnimadiina shaki gelinaya sida in aad ka qeyb qaadataan dhismaha nidaamyada Ridada ee cadowga u adeegaya xitaa haddii madax looga dhigo kuwa aad isku heyb iyo isku qabiilba tihiin, sababtoo ah kuwa diinta ka baxay ee gaalada u adeegaya qaraabanimadii wuu ka baxay”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale yiri: “Ha ku kadsoomina hadalada beenta ah iyo beerjilicsiga ah ee Farmaajo iyo kooxdiisa. Waxba isma dhaamaan kuwa dabadhilifyada ah maxaa yeelay danta gaaladu waa hal mid muhiim-na ma ahan in shaqaaluhu Farmaajo noqdo ama Xasan noqdo. Danta gaaladuna waa dhibaateynta Muslimiinta. Gaalada waan saarayaa uu idinku beerlaxowsanayo sow ma ahan kuwii dharaar cad isagoo Ra’isul Wazaare sheeganaayo dalka ka saaray?! Maxaa u soo kordhay marka? Soo iyaga ma ahan kuwa uu leeyahay waa walaalaheen ha inoo joogaan” Ayuu yiri.
Afhayeenka ayaa sidoo kale baaq ujeediyey waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ay ku jiraan safka DF iyo shisheeyaha wuxuuna yiri: “Dardaaranka Saddexaad waxaa kula dardaarmeynaa Waalidiinta ay ilmahooda ku biireen safka cadowga in ay ilmahooda kula dadaalaan sidey uga badbaadin lahaayeen khasaara aduunyo iyo mid Aakhiro kana soo saaraan safka cadowga inta aysan la kulmin waxii ay la kulmeen kuwoo badan oo safka cadowga horay ugu biiray, mana u maleynayo inuu jiro waalid jacel in ilmihiisu gaala ku garab dhintaan”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale yiri: “Mujaahidiintuna waxaan kula dardaarmeynaa in ay wanaajiyaan ciddii Allaah u towbadkeenta oo ka mid ah kuwa murtadiinta ah, ayna baraan wixii uu Allaah baray oo xikmo iyo Iimaan ah, Laakiin ciddii ku madax adeegta waxa ay ku jiraan ee gaalnimada iyo baadinimada ah waxaa inoo dhexeeya seyf iyo waran illaa Alle uu naga kala xukminaayo”
Wuxuu sidoo kale Seekhu fariin u jeediyey culimada Muslimiinta kuwaas oo uu kula dardaarmay in aysan xaqqa qarin, Islamarkaana ay Umadda u cadeeyaan dhabaha toosan.
“Waa wada ogtihiin dalka maanta marxalada uu ku jiro iyo in gaala ay ku soo duushay Bad, Barri iyo Cerba waxaa kale oo aad ogtihiin haddii umad Muslimiin ah gaalo kusoo duusho waxa ku waajibka ah waadna ka aamusteen, weliba qaar culinimada sheeganaya ayaa gaalada u fatwoonaya una xalaaleynayo qabsashada dalka iyo gumaadka Muslimiinta. Waxaa Culimada leenahay aan nabigeyna ku dayano marxalad kasta, culeys iyo fudeydbo diinteenana yaanan u duleynin aduunyo daraadeed”
Kalimadu waxay ahayd Kalimad dheer oo sidoo kale uu ku lifaaqnaa Aayado Qur’aan ah, Axaadiith iyo Aqwaasha culimada, Waxaana ugu dambeyntii uu kula dardaaramay mujaahidiinta kuwaas oo uu ku booriyey in ay ku sabraan Jihaadka, lana sabartamaan shisheeyaha.