Soomaalida gaalowday oo farmaajo soo dhaweysay.(Warbixin)

Qaar ka mid ah Soomaalida gaalowday ayaa soo dhaweysay doorashadii madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu noqday ninkii u horeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya ku magacaaban ee Soomaalida tirada yar ee gaalnimadooda cadeysatay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyaan.

Waxay muujiyeen jaceylka ay u qabaan iyo sida ay ugu kalsoon yihiin raalina uga yihiin in hoggaanka asiga loo dhiibo.

Muuqaal ay internetka soo dhigeen ayay ku sheegeen in ay ku reja weyn yihiin in uu wax weyn qabto.

Waxaa hadlaya laba nin iyo haweeney ka mid ah kuwa dadka Soomaaliyeed gaalnimada ugu yeera, waxaanay tilmaameen in ay Soomaalida gaalada ah oo dhan wakiil ugu ayihiin hambalyada ay Farmaajo u dirayaan.

Soomaalida qurbaha tagtay qaarka mid ah ayaa horay u gaaloobay kuwaasoo inta kalena baadinimada xeradeeda uga gacan haatinaya, waaan qolyahaas kuwa iminka Farmaajo oo asiga qudhiisu qurba joog ah amaanaya.

Sawirka Cumar Xersi oo Ridoobay.

Dadka filimka Farmaajo lagu ayidayo soo duubay waxay kala yihiin Cumar xirsi, shiine gaaboow iyo shaaniyo gaaboow oo caan ku ah in ay dadka beybalka ugu yeeraan gaar ahaana Soomaalida tahriibtay.

Waxa dad badanu isweydiinayaan waxa keenay in dad Soomaali ah oo diinta islaamka ka baxay rabitaanka intaa la eg u muujiyaan Farmaajo xilli aanay horay us oo hadal qaadin madaxweynayaashii asiga ka horeeyay.

Shiine Gaabow oo ka ridoobay Diinta islaamka.

Su’aashan ayaa dhalineysa su’aalo kale oo la xariira waxa Faraamajo aaminsan yahay iyo cidda uu ka tirsan yahay.

Suldaan Maxamed Garyare oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in Farmaajo yahay ninkii ugu diin xumaa ee xilka madaxweynaha Soomaaliya qabta.

Wuxuu xusay in uu ku bar baaray calmaaniyadda maraykanka isla markaana buug uu qoray xilligii jaamacaddii u dambeysay uu ka baxayay ugu gefay Diinta Islaamka uuna ku dhawaaqay erayo diin ka bax ah.

Marka laga soo tago u adeegidda shisheeye iyo ku dhex Milankiisa waxaa jira siyaasiiin badan oo Soomaali ah kuwaasoo la aaminsan yahay in ay haystaan diinta kirishtaanka waxaanay madax sare iyo xubno ka yihiin maamulada Soomaaliya ka jira.

You might also like
3 Comments
  1. Cumar cali xarbi says

    Dhamaan shacabka odhan ayaa jeclaaday sidaasi awged shacabka somaliyed odhan ma gaaloobeen dadka soo dhaweyay farmaajo oo taageeray waxaa kamid ah walidiintiina iyo waalidiinta al.shabaab dhashay ok marka hadii aynu umadii odhan gaalo dhahno yaa muslim ah.? Fadlan cida muslimka ah noosheega aynu ogaane.e.?

    1. guuleed says

      Walaal warka Idaacadda si fiican uma aadan fahmin, mowuduuca wuxuu quseeyaa oo uu ku saabsanyahay soomaali gaalnimada toos u qirtay oo muuqaal iska soo duubay, una hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowladda Farmaajo.

      Mahadsanid..

  2. Cumar cali xarbi says

    Sidokale wad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad wax iifahamsisay

Leave A Reply

Your email address will not be published.