Weerar Nafhurnimo oo ka dhacay gobolka Helmand ee dalka Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya magaalada Lashkar Jaah oo ah magaala madaxda gobolka Helmand ee dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in camaliyad Istish-haadi ah oo xoogan lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda taagta daran ee Kaabul.

Camliyada Istish-haadiga oo ahayd mid xoogan, islamarkaana si wanaagsan loo soo qorsheeyay ayaa beegstay ciiidamo katirsan xukuumadda Kaabul oo ku sugnaa afaafka hore ee banki oo laga bixiyo mushaaraadka ciidamada.

Istish-haadi lagu magacaabo Shariifullaahi Shariif ayaa fuliyay Camaliyadda, waxaana uu ku guuleystay inuu dilo kudhowaad sodon Askari, isagoona dhaawacay tiro intaas kudhow.

War kasoo baxay Afhyeenka Imaarada Islaamiga Qaari Yuusuf Axmadi ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in dad shacab ah ay wax ku noqdeen camaliyadan, waxaana Afhayeenku sheegay in xilliyada mushaaraadka ay qaataan ciidamada Kaabul aysan u ogoleyn in qof shacab ah uu kasoo ag dhawaado bankiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.