Al-Qaacida oo ka hadashay Abaaraha Soomaaliya.

War kasoo baxay hogaanka Alqaacida ee guud ayaa looga hadlay abaaraha ku dhuftay gobollo kala duwan oo katirsan dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab kuna hadasha Afka AlQaacida oo goordhow lagu baahiyay baraha Internetka ayaa looga hadlay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya, waxaana hogaanka Alqaacida uu amaanay sida firfircoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ugu  gurmaneyso dadka Abaaraha ku saamoobay.

AlQaacida waxay sheegtay in markii ay Abaartu ku dhufatay Soomaaliya la ogaaday beenta ay Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya faafinayeen ee ah iney u yimaadeen Soomaaliya iney nolol wanaagsan geliyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mujaahidiinta Al-Qaacida waxay sidoo kale amaan usoo jeediyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo gurmad baaxad leh oo isugu jira Raashiin iyo biyo dhaamin ka sameysay gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ayaa waxaa dhinac socoda webiga Shabeelle oo gebi ahaanba guray, kadib markii dowladda Itoobiya ay biyo xireeno waaweyn ku xiratay webiga oo ka yimaada dalkeeda, waxaana Alqaacida ay sheegtay in biyo xireenadaas dowladda Itoobiya ay sameysatay ay ka qeyb qaateen Abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Guud ahaan Muslimiinta Caalamka ayay ugu baaqday Alqaacida iney gurmad iyo hiilba u fidiyeen walaalahooda ku dhibaateysan Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ururweynaha Alqaacida uu si toos ah uga hadlo abaarta ka jirta Soomaaliya, waxaana la xusuustaa in Alqaacida ay gurmad ballaaran lasoo gaartay dalka Soomaaliya sanadkii 2011 oo abaaro ba’an ku dhufteen Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.