Alqaacida oo war kasoo saartay Istish-haadka Sheykh Abil Kheyr Al-Misri.

Bayaan kasoo baxay hogaanka ugu sareeya Al-Qaacida isalamarkaana ay baahisay mu’assasada As-saxaab ayaa waxaa lagaga tacziyeeyey istish-haadka Sheykh Abil Kheyr Al-Misri oo kamid ahaa saraakiisha Mujaahidiinta AlQaacida.

Bayaanka oo koobnaa islamarkaana ay ku jireen Nusuus sharci ah iyo gabayo ayaa umadda Islaamka iyo guud ahaan Mujaahidiinta waxaa looga tacziyeeyey istish-haadka Sheykh Abil kheyr oo bishii hore dhamaadkeeda ay ku beegsatay diyaarad drones ah gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Magaca sheekha ayaa lagu sheegay in lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Muxamed Rajab, waxaana bayaanka lagu soo qaatay qaar kamid ah taariikhda Sheekha shahiidka ah.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in Abil kheyr uu aad uga ag dhawaa Sheekh Usaama bin Laadin, isalamarkaana dhowr jeer ka qeyb galay kulamo dhexmaray Al-Qaacida iyo Imaarada Islaamiga ah ee Taalibaan isagoo wakiil ka ah Sheekh Usaama bin Laadin.

Waxaa bayaanka sidoo kale lagu sheegay in Sheekha sodon sano oo xiriri ah uu ku qaatay Jihaadka wadada Allaah, islamarkaana uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ay ku jirto xabsi tan iyo masiiradiisa Jihaadka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.